Urur goboleedka ECOWAS ee ay ku midoobeen wadammada Galbeedka Afrika ayaa sheegay in ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u taageeraan natiijada doorashadii Gambia.
Wadammada ku bahoobay urur goboleedka Ecowas ee galbeedka qaarada Afrika, ayaa waxa ay si cad u doonayaan in ay farriin ugu diraan madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jameh, taasi oo ah in uu xilka isaga dego, iyagoo sheegay in ay taageeri doonaan natiijadii ka soo baxday doorashadii dalka Gambia.
Madaxda wadammada Ecowas oo ku shiray dalka Nigeria ayaa ballan qaaday in bisha soo socota ay ka qeyb geli doonaan caleema saarka madaweynaha la doortay ee dalkaasi Gambia, Mr Adama Barrow, dabcan taasi waxay ku xirnaan doontaa hadba sida Mr Jammeh uu u ogolaado inuu xilka uga dego.
Dhanka kale madxda Ecowas waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay damaanad qaadi doonaan ammanka madaxweynaha la doortay kaddib markii uu sheegay in uu u baqayo naftiisa.


