Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, islamarkaana ahaa Wasiirkii hore ee Amniga xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u dhaliilay qorshaha lagu xirayo inta badan wadooyinka Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in aan amni lagu sugi karin dhagaxaan waa weyn oo la dhigo wadooyinka, islamarkaana loo baahan yahay in taasi badalkeeda dowladda Soomaaliya ay la timaado qorsho lagu xasilinaayo Caasimadda.
Xildhibaanka ayaa qorshe xume ku tilmaamay tilaabadda xiritaanka Wadooyinka.
“In jid-gooyo cusub iyo koontaroolo la dhiso, magaalada Muqdishana lagu kala qeybiyo khad cagaaran si loo difaaco madaxda dowladda waa istiraatiijiyad khaldan. in nabad la helo sidaasi waa ka weyn tahay waxayna u baahan tahay qorshe amni oo lagu difaaco muwaadiniinta magaalada ee maaha in la difaaco dadka madaxda ah.” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga.


