Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa iscasilaya kadib wada xaajood uu la galay Taalibaan, OpIndia ayaa werisay. Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa noqon doona madaxweynaha cusub ee Afgaanistaan ee taliska Daalibaan.
Goor sii horreysay, wafdiga Daalibaan ee uu hoggaaminayo Cabdul Ghani Baradar ayaa gudaha u galay madaxtooyada kadib markii Taliban ay billowday weerarka Kabul.
Bayaankiisa, wakiilka Daalibaan Zabiullah Mujahid wuxuu ku sheegay in Taliban aysan xoog ku qabsan doonin caasimadda.
Taliban ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxweyne Ashraf Ghani in uu isa soo dhiibo si looga fogaado dhiig daata.



