Madaafiic saaka lagu garaacay deegaanka Ceelbaraf

Al-Shabaab ayaa Saaka aroortii Madaafiic xoogan  ku garaacay saldhiga ciidanka dowladda Burundi ee qeybta ka ah howgalka AMISOM ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in madaafiic iyo sidoo kale weerar ay ku qaadeen saldhiga ciidanka AMISOM ee deegaanka Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu Yaraan 7 madfac ayay sheegeen Al-Shabaab in ay ku dhufteen saldhiga ciidanka AMISOM.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Saaka ay kusoo kaceen daryanka Madaafiicda Al-Shabaab ay ku garaacayeen saldhiga ciidanka ciidanka AMISOM.

Saraakiisha ciidanka AMISOM wali faahfaahin kama bixin madaafiicda ay saaka aroortii ku garaaceen Al-Shabaab deegaanka Ceel Baraf.