Maararrow-ga Qof iyo Cod, iyo Miidaandeyga Muddada Xilheynta

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayomadaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud oo mashquul ku ahmaareynta labo qadiyadood oo xal ka sugaya horraanta 2025 iyo dhammaadka 2024 ayaa kulan wadatashi ah u furtaymadaxda maamullada dalka marka laga reebo hoggaamiyahaPuntland Saciid Cabdullaahi Deni. Shirka oo looga arrinsanlahaa amniga dalka iyo doorashada  ayaa waxaa ka baxay oosaluugay sida ay wax u socdaan  Axmad Madoobemadaxweynaha aan dhicin ee maamulka Jubaland iyada oo uuhoray u maqnaan Deni.

Dhammaan madaxda maamullada dalka marka laga reeboPuntland ayaa waxaa ka dhammaanaya muddada xil heynta ka hor muddu xileedka madaxweynaha Soomaaliya, waxaynaqaar ka mid ah dhawaan wax ka bedal ku sameeyeen muddadaxilheynta madaxda dastuuriga ah ee dowlad goboleedyada.  

Madaxweyne Xasan Shiekh oo sii amba qaaday qorshahabedelida ciidanka ATMIS ayaa safaro ugu baxay dowladahaay ciidanku ka joogaan Soomaaliya ee Burindi, Jabuuti, Uganda iyo Kenya.

Hoogaanka Puntland oo uu xumaa xiriirka madaxda dowladdafederaalka ah kala dhexeeya ayaa dhawaan shir cilmiyeed ay qabatay hey’adda PDRC ee Garowe ka sheegay in uuwadahadal diyaar u yahay uuna ergo weydiisanayo ka qeybgalayaasha madasha, waxayna qaar ka mid ah bulshadarayidka oo isku dayay hoggaaminta waanwaan iyo wadahal la dhex dhigo madaxweynaha dalka iyo madaxda Puntland fagaarayaal ka sheegeen in aysan suuro gelin dhawr kulan ooay madaxweynaha ka codsadeen.

Soomaaliya waxay qorsheyneysaa doorasho qof iyo cod ah May 2026 kadib 1967, dadweynahana ay si toos ah u soodooranayaan madaxweynaha dowladda federaalka ah, madaxda maamulada, xildhibaannada iyo dhammaanguddoomiyeyaasha iyo wakiillada dagmooyinka oo lagutaryamayo axsaab.

Agoosta 2024, Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisayhindise sharciyeedka doorashooyinka Soomaaliya iyada oo u gudbineysa golayaasha baarlamaanka sida ay dood sharci umariyaan, madaxweynaha qalinka ugu duugo, dalkana loogaqabto doorasho qof iyo cod ah kadib maamulkii keligii taliskaiyo burburkii dowladnimada Soomaaliya.

Hindisaha xukuummadda oo ay soo dhaweeyeen dad badan oo u arka in awoodda maamulka dowladda loo dhaweynayoshacabka, ayay qaar kale u arkaan qorshe muddo kororsi oouu sameysanayo madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud, ooaysan suurto gal aheyn in Soomaaliya laga qabto doorasho qofiyo cod ah 2026.

Haddaba warbixintaan waxaan ku faaqidaynaa caqabadaha kuxeeran hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyo tiirarkasiyaasadeed oo ay tahay in madaxda dalka dhawraan siSoomaaliya u sii heyso waddada dib u soo kabasho iyonabadda. Waa maxay badalka haddii aqtiga cayiman eemadaxweynaha aan lagu fulin qorshaha hirgelinta doorashadaqof iyo cod ah, Ma jiraa xayndaab ay tahay in ay dhawraanmadaxda dalka ka hor hirgelinta doorasho qof iyo cod ah?

Gogoldhig

Soomaaliya oo ka soo kabaneysa colaado sokeeye ayaaqaadatay hanaanka maamulka isku dheeli tiran ee federaalka, waxaana awoodda dowladda loo qeybiyay labo heer, heerfederaal iyo maamullada dowladda xubnaha ka ah dowladdafederaalka ah.

2012 Qaramada Moddoobay waxay dowladda Soomaaliya ka saartay kumeel gaarka, waxuuna ahaa qorshahu in la dhisohey’adaha dowliga ah ee dalka sida garsoorka, maamulada iyoguddiyada madaxa banaan, iyo hey’adaha kale ee aasaaska u ah maamulka dowladda, si dalka looga qabto doorasho qof iyocod ah.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo loo doortay hoggaamintadowladdii koowaad ee Soomaaliya yeelato kadib maamuladiikumeelgaarka ahaa, waxa uu ku guuleysatay in uu daadajiyohannaanka federaalka, isaga oo dhisay maamulada dalkamarka laga reebo Puntaland oo horay u jirtay. Waxaa kale ooay xukuumadiisu meelmarisay sharciyo lagu dhisayohey’adaha garsoorka, xuquuqul insaanka, doorashooyinka iyosharciyada axsaabta, mase ku guuleysan dhismaha iyomeelmarinta guddiyada Garsoorka, Xuquuqul Insaanka, waxayse dhistay guddiga doorashooyinka qaranka eemadaxabanaan.

Dadaal dheer iyo iskuday qabashada doorasho qof iyo cod ahkadib, 2016 waxay Soomaaliya qabatay doorasho dadban oola balaariyay ka qeybgalka dadweynaha iyada ooxildhibaankii ay soo dooratay 51 qof oo laga soo xulay reerkauu matalo xildhibaanka.

Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ku soobaxay doorashadii madaxweynaha ee dadbaneyd 2017, waxauu qorsheeyay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah,2-dii bishii Maajo ee 2019, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyeySharciga Doorashooyinka Qaranka iyo sharciga xisbiyadasiyaasadeed ee dib-u-eegista lagu sameeyey. Si uu u hirgeliyoqorshihiisa waxa uu damacday in dowladda labo sano lagu kordhiyo  muddada xilheynta madaxweynaha taasina waxaykeentay cabsi iyo qalqal amni, waxaana maleeshiyaadhubeysan soo buux dhaafiyeen caasimadda, dadaallo badan iyo culeyso siyaasadeed oo xukuummaddu kadareentaydibadda iyo gudaha waxay ku dhammaatay in la qabtodoorasho dadban oo ay xildhibaanka dooranayaan 101 qof.

Doorashada dadban oo ah mid ay hareeyeen musuq, eex iyoduudsiinta xaqa muwaadinka waxay dhanka kale dhashay qoriisku dhiibka saddex madaxweyne oo ay isku wareejiyaanhoggaanka dalka, waxayna iridda u sii furtay xasiloonida iyohumaagga wadajirka dalka, iyo in ay dhismaan aynashaqeeyaan hey’adaha dowladda haba tabar darnaadaane.

Naawilaada Doorasho Qof iyo Cod

May, 2022 Doorashii dadbanayd ee dalka dhacday waxaa la soo doortay madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud, waxauuna hididiile ka dhigtay ka xoreynta dalka kooxahaargagixisada, iyo gaarsiinta doorasho qof iyo cod ah.

19 luulyo 2024, Xukuummadda Soomaaliya oo ka duuleysaqorshaha madaxweyne Xasan Shiekh ayaa ansixiyayHindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan eeDoorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

8 Agoosto 2024 xukuumadda Xamze ayaa ansixiday xeerkaDoorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyoXeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda.

Hindisaha doorashada ayaa dhigaya in dadweynaha ay si toosah u dooranayaan madaxweynaha, xildhibaanada labbadagole, hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada, wakiilada, guddoomiyaasha degmooyinka iyo madaxda gobolkaBanaadir. Hindisiha ayaa tixgelin siinaya ilaalinta qoondadahaweenka iyo isku dheeli tirnaanta awood qeybsiga beelaha eelabada gole. Waxaa kale oo uu hindise sharciyeedkadoorashada dalka dhigayaa hal deegaan doorasho ooxildhibaanka waxaa laga soo dooran karaa dalka oo dhanmeeshii la dhigo. Hindisaha waxa uu qorayaa in lagutartamayo axsaab uuna dalka yeelanayo saddex xisbi qaran.

Hirgelinta Doorashadaha qof iyo cod ah oo aasaas u ah ka qeybgalka dadweynaha ee maamulka dowladda ayaa waxaaku horgudban caqabado dhawr ah oo ay ka mid tahay:-

Heshiis la’aan Siyaasadeed

Si dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod oo ay dadweynahu si toos ah u soo doorayaan madaxda iyomatalayaasha shacabka waxay u baahantahay is afgaradsiyaasadeed oo dhex mara hoggaanka dowladda federaalkaiyo madaxda maamul goboleedyada.

Juun 24, 2015 Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud ayaaqalinka ku duugay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaanee doorashooyinka, waxaana khilaaf kala horyimidmaamullada qaar iyo madax mucaaradka isku daygiimadaxweynaha ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, waxaana ka weynaaday maslaxada xasiloonida siyaasaddadalka oo waxaa aakhir la isku raacay in la qabto doorashodadban si looga fogaado qalaase siyaasadeed in uu dalka galo.

Madaxweynihii ku xigay Xasan, Madaxweyne MaxamadCabdullaahi Farmaajo waxa uu qorsheeyay doorasho qof iyocod in ay dalka ka dhacdo iyada oo muddo xileedkiisa ay ka dhimmantahay sannad, waxaana ka dhashay tilaabadaaswalaac siyaasdeed, oo sababay xasilooni la’aan siyaasadeedoo dalka gelisay mugdi abuuray in doorashadu dhaafto xiligiiloo qorsheeyay oo ahaa Feebaraayo 8, 2020, waxaana la qabtay doorashada madaxweynaha May 15, 2022 kadibdagaalo iyo dibad baxyo ay dad ku dhinteen. Fowdadii kadhalatay Isfahan la’aanta hannaanka doorashada Waxaysaameyn taban kuyeelatay aminga, dhaqaalaha iyo kalsoonidadadku ay ku qabeen maamulka dowladda.

Madaxweyne Xasan, doorashadiisa kadib waxa uu isku dayayin uu abuuro kalsoonida hoggaanada dowlad goboleedyada, waxa uuna dib boorka kaga jafay shirarka golaha wadatashigaqaran oo ay kulmaan madaxweyneyaasha dowladaha xubnahaka ah dowladda dhexe, gobolka banaadir iyo xukuumadda. Tan iyo dib u soo doorashadiisa waxa uu qabtay 9 kulanmarka laga reebo madashii fashilantay October 2024, oo dhexmartay madaxda ayna kaga arrinsanayeen doorashooyinka, dib u eegista dastuurka, dhisidda garsoorka, iyo astayntaawoodadaha heerarka dowladdaha, iyo federaaleyntamaaliyadda iyo qodobo kale, dhawr shir oo ka mid ah kulamada ay yeesheen waxaa ka soo baxay warmurtiyeedyolagu qaabeynayo nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya.

December 2022 Maamulka Puntland waxa uu sheegay in aysan qeyb ka aheyn war murtiyeed ka soo baxay golaha oolooga hadlay Hannaanka Federaaleynta Garsoorka, AsteyntaAwoodaha Heerarka Dowladda, laguna balamay in shirkaxigay looga hadlo Doorashooyinka. Wixii intaa ka dambeeyayPuntaland iyo dowladda Federaalka waxaa soo kala dhexgalay khilaaf xooggan oo sababay in ay oraaho dhiilo lehwarbaahinta isku mariyaan, wadashaqeynta wasaarahadalabada heerna waa ay hakatay.

Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe waxaaka dhammaaday mudda xileedkii loo soo doortay, marka lagareebo Puntland oo qabatay doorasho dadban oo lagu soodoortay madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo golaha wakiilada, waxaa kale oo ay qabatay Puntland doorashada degmooyinkaoo ay dadweynahu doorteen wakiilada degmooyinka.

Dhammaadka mudda xileedka hoggaamiyeyaasha ayaasababay in siyaasiyiinta gobolada ay mucaarado kala horyimaadeen madaxda maamullada sida Galmudug, KoonfurGalbeed, iyo Hirshabeelle, waxaana ka dhashay isku dhacyobeelo iyo qalalaase amni oo ku lugleh muran siyaasaseedka ka dhex jira madaxda mudda xiloodkooda dhammaaday iyosiyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanka.

Haddaba si qorshada doorashada qof iyo cod ka ah loogahirgeliyo dalka oo dhan waqtiga cayiman ee ka harsan muddaxileedka madaxweyne Xasan, waa in madax dowladda dhexeiyo maamul goboleedyada la yimaadaan heshiis doorasho ooloo dhanyahay, Puntlandna ay qeyb ka tahay.

Qabyada Sharciyada Doorashooyinka

Hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah ee dalka waxaasaldhig u ah dastuurka dalka, sharciga doorashooyinka, kanaxsaabta iyo sharciyo kale.

Dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee 2012kii, waxaa wax ka badal ku sameeyay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisulwasaare Xamse iyada oo baarlamaanka labada gole meelmariyeen, madaxweyne Xasana uu saxiixay afarta cutub eeugu horeysa. Wax ka bedalkaas waxaa ka soo horjeestay qaarka mid ah mucaaradka iyo dowladda Puntland.

Qodobka 48 ee dastuurka noqolkiisa cusub ee uu saxiixaymadaxweyne Xasan ayaa sheegaya nidaamka doorashooyinkaiyo in sharci ay ku soo saarayaan baarlamaanka Soomaaliya.  

8 Agoosto 2024 xukuumadda Xamze ayaa ansixiday xeerkaDoorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyoXeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda iyada oo u gudbineysa labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, mana cadda muddada ay qaadaneyso dhameystirka sharciyadaan.

Soomaaliya ma lahan sharciga muwaadinka oo la jaanqaadayahannaanka federaalka, inta badan muwaadiniintana ma lahanaqoonsi caddeynaya dhalashadooda, welina lama asteynxudduudaha maamullada dalka, baarlamaanka Soomaaliyanama soo saarin sharciga maamullada oo rasmi ka dhigayadowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, cadaynayanasoohdimaha dowladaha oo aasaas u ah codeyntamuwaadiniinta welina macadda soohdimaha maamullada.

Saameynta sharciyada, xeerarka doorashooyinka iyo xadeyntasoohdimaha maamullada waxay dadweynaha ka caawindoontaa inay ogaadaan goobta ay ka codeyn karaan iyomaamulka ay si gaar ah u hoostagaan, dadweynahaSoomaaliyeed oo reer guuraa u badan waxaaa lama huraan ahin loo xadeeyo deegaanada dowlad goboleedyada iyo goobahaay ka iskadiiwaan gelin karaan kana codeynayaan.

Helidda xeerarkaan iyo xadeynta deegaanadda waxay lama huraan u ah tahay qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah ooxor iyo xalaal ah.

Amniga Doorashada

Dhul ballaaran oo Soomaaliyeed waxaa xukuma ururroargagixiso ah oo dagaal kula jira dowladda dhexe, maamullada iyo ciidanka nabad illaalinta u jooga Soomaaliya. Waxayna caqabad weyn u arkaan hirgelinta doorasho qof iyocod ah iyo xoogeysiga awoodda dowladda Soomaaliya, markalaga tago weerara guud ee dalka ka geystaan waxay qorshe ka dajin doonaa sidii ay u fashilin lahaayeen amniga doorashadaiyo in ay cabsi ku abuuraan dadweynaha qorsheynaya in ka qeybqaataan codeynta.

Dhanka kale, Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waxay leeyihiin ciidamo daraawiish ah oo u hubeysan sida ciidanka xoogga dalka, dowlad walbanawaxay maamushaa guutooyin aan hoos immaan taliskaciidaanka ee dowladda federaalka. Si la mid ah qabiilada qaarwaxaa gacanta ugu jira hub fara badan oo aysan xakameyndowladda federaalka ah iyo maamullada.

Marka laga soo tago falalka kooxaha argagixisada, waxaadhici karta in siyaasiyiin iyo qabiilo careysan ay hub la soobaxaan, ama amniga doorashada ay isku foodeeyaan ciidankaka socda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada. Haddaba waxaa loo baahanyahay siyaasad amni doorasho ooay ka heshiiyaan dowladda dhexe iyo maamulada. Sugiddaamniga doorashooyinka waxay u baahantahay masuuliyadamni si ay si nabad galyo leh ugu codeeyaan muwaadiniintu.  

Maarso 2023, shirka madasha watashiga Qaran oo ka dhacayBaydhabo, madaxda maamul goboleedyada marka laga reeboPuntland ayaa heshiis ka gaaray qaab dhismeedka amnigaqaranka, mase cadda hirgalka heshiiska, iyo in ciddaqaadaneysa amniga doorashooyinka.

Abuurista jawi xasiloon iyo kalsooni gelinta muwaadiniintadhanka badqabka waa u muhiim  

ka qeybgalka dadweynaha ee doorashada iyo inay iskadiiwaan geliyaan goobaha doorashada loo asteeyo.

Dhigaal La’aanta Dhaqaalaha Doorashada

Hirgelinta doorasho qof iyo cod ah marka laga tagodhameystirka sharciyada, heshiiska siyaasadeed eemaamullada iyo dowladda, sugida amniga, waxaydalbaneysaa helista dhaqaale baaxad leh oo laf dhabar u ah dhaqangalka doorasho ka dhacda dalka oo dhan aynadadweynaha dhiibtaan codkooda, sida saanadda diiwangelintacodbixiyaasha, hawlgelinta shaqaalaha doorashada, qarashkasugidda amniga.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay dhaqaaleahaan ku tiirsan tahay taageerada beesha caalamka, amni iyobixin adeegba mana awooddo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, hadii aysan taageero buuxdo ka helin sanduuqadoorashooyinka ee qaramada middoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Xafiiska Taageerada eeQaramada Middoobay ee Soomaaliya u qabatay in October 2026 loo badalo Xafiiska Qaramada Middoobay ee dalka kaaoo ka madaxbanaan siyaasad kuna eg taageerada dowladdafederaalka ah iyo arrimaha bini’aadanimada. Ilaa hadda ma cadda in qaramada middoobay ay Soomaaliya ka caawineysosaanadda dhaqan gelinta doorasho qof iyo cod ah, iyoqoondada maaliyadeed ee diyaarka u ah.

Dowladda Soomaaliyana weli uma cadda halka ay ka helaysotaageerada maaliyadeed ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, waxaana muddo xilleedka madaxweyne Xasan ShiekhMaxamuud ka haray sanad iyo siddeed bilood.

Moogaanta Dadweynaha ee Doorashada

Taaba gelinta doorasho qof iyo cod ah oo aysan dadka iyodowladdaba u laheyn qibrad waxay u baahantahay waqti ka badan inta ka hartay mudda xilleedka madaxweyne XasanShiekh Maxamuud oo ay ugu yaraan guddiga doorashadamadaxa banaan ee la dhisidoono fursad u helaan daraaseyntahanaanka doorasahda ee ay dadweynaha dooranayaandhamman qeybaha kala duwan ee madaxda dalka.

Dadweynaha Soomaaliya oo sida ay tirakoobyada qabaan u badan dhallinyaro, waxaa yar inta u soo joogtay iyada oodalka laga qabanayo doorasho ay dadweynaha codkoodadhiibanayaan, waxaana u sii dheer burburkii kadib waxay u kala qeybsameen reero iyo qabiilo, waxaana siyaasadda dalkalagu qeybiyay awood qeybsi reero ku saleysan,

Taas oo ay dheertahay kalsoonida ay ku qabaan dowladda ooyar iyo musuqii ay marqaatiga u ahaayeen doorashooyinkiidadbanaa.

Gunnaanad

Hirgelinta Doorasho qof iyo cod waxay u baahantahay heshiissiyaasadeed oo dhexmara dowladda Federaalka ah iyomaamullada, ayna baarlamaanka Soomaaliya meel mariyaansharciyada doorashooyinka, dastuurka oo lagu dhameystiroisla ogol dowladda federaalka, maamullada oo dhan, iyo in hannaanka sharciga la waafajiyo oo ay goloyashabaarlamaanka labada aqal ansixiyaan. Intaa waxaa dheer in dowladda dhexe iyo maamullada ka heshiiyaan sugiddaamniga, maamulka dhaqaalaha iyo habsami u socodkadoorashooyinka.

Haddaba si uusan dalka u gelin qalalaase siyaasadeed, waa in dowladda federaalka ah muddada uga harsan muddoxilileedka ka hor ay heshiis siyaasadeed la gaarto dowladahaxubnaha ka ah dowladda federaalka ah gaar ahaan Puntalandoo aan geedi socodka qeyb horay uga aheyn. Waana in heshiisyada siyaasadeed loo badalo sharci oo ay baarlamaankaSoomaaliya meelmariyaan.

Hannaanka qori isku dhiibka madaxweynayaasha iyo ilaalintamuddo xileedka madaxweynaha dowladda federaalka ah iyomadax maamul goboleedyada waxay lafdhabar u tahayxasiloonida, nabad galyada guud iyo dowlad wanaaggaSoomaaliya sidaa awadeed waa in ay ka feejignaadaanhoggaanka dowladda federaalka ah muddo kororsi iyo dib u dhig doorasho, iyo wax walba oo tuhun iyo kalsooni darro kukeeni kara siyaasiyiinta iyo dadweynaha.


Qore: Hassan Mohamud Siney,

[email protected]