Garowe-RisaalaFM- Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Axmed C/laahi ayaa sheegay in ay adkaaneyso sii socoshada heshiiskii ay wada gaareen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland.
Wasiirka ayaa sheegay in weeraro dhowr ah lagu soo qaaday dadka reer miyiga ah ee ku sugan Waqooyiga Gobolka Mudug oo ay maamusho Puntland, isaga oo sidoo kale tilmaamay iney ka dambeeyaan Maleeshiyaad ka soo jeeda Galmudug.
Wuxuu sheegay in looga baahan yahay Galmudug iney ka feejignaato wax kasta oo carqaladeyn kara heshiisyada la gaaray, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga.
Axmed C/laahi Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa faray in ay ammaanka adkeeyaan, sidoo kalena ka hortagaan wax walba oo qal qal gelin kara ammaanka.


