Maamulka KGS oo digniin u diray Maleeshiyaad dhaca Gaadiidka

Wasiirka Amniga Dawlada goboleedka  Koofur Galbeed  ayaa digniin y diray Maleeshiyo beeleed dhac u geysta Gaadiidka isaga kala goosha degmooyinka  Buur hakaba ee gobolka bay  & Degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose

Wasiirka Amniga Koofur Galbeed ayaa Codsi  u diray Dawlada Federaalka Soomaaliya kaas oo ah in ay dib u celiso maleeshiyaad uu sheegay in ay ku sugan yihiin Wadada laamiga ee u dhexeysa Wanlaweyn & degmada Buurhakaba waxana  uu ka dalbaday  Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida in ay si deg deg ah uga Hawl bilowdo degmada Wanlaweyn si loo Maxkamadeeyo maleeshiyaadka uu ku Eedeeyay in ay dhacaan dadka musaafarka ah ee la socda Gaadiidka isaga  kala goosha degaanada Koofur galbeed .

Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose  ayaa ka hadlay Gaadiid badan oo ku xayiran  degmada Wanlaweyn  kuwaas oo kacabanaya isbaarooyin lacago badan looga qaado waxana uu sheegay in aysan u dul qaadan doonin dhibaatada lagu haayo Gaadiidka .

Maalmihii la soo dhaafay degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose waxaa ku xayirnaa Gaadiid kuwa Xamuul ka  oo lacago xaddhaaf ah looga qaado Wadada u dhexeya degmada Wanlaweyn  ee gobolka shabeelada Hoose & degmada Buurhakana ee gobolka Baay.