Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay hoobiyeyaashii ku dhacay Jowhar

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa waxaa ay xalay ku dhaceen meelo kamid ah Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas oo jugtooda laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaceen goobo ay kamid yihiin, agagaarka Madaxtooyada Hir-Shabeelle , Xaruntii Hay’adda UNICEF iyo Dugsiga Sheekh Xanafi iyo goobo kale oo ka tirsan Xaafadaha Horseed & Hantiwadaag ee Magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku baxay degaanka Baloog oo 7km dhanka Bari kaxiga Jowhar, halkaas oo loo maleeynayo in hoobiyeyaasha laga soo tuuray, waxaana saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ay sheegeen in wax khasaaro ah ka dhalan hoobiyeyaasha.

Wasaaradda Amniga Maamulka Hir-Shabeelle ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga ay ka hortageen hoobiyeyaal ay soo tuureen Al-Shabaab.

” Qaswadayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay ineey carqaladeyaan Amniga Caasimada Hirshabelle ee Jowhar kadib markii hoobiye kusoo tuureen, laamaha Amniga hirshabelle oo heegan kujiray ayaa goobahii eey kasoo tuureen gaaray iyagoo halkaas ka firxaday qaswadayashii, goobahii eey kasoo tuurena waxaa hada jooga ciidanka, mana jiro qasaaro ka dhashay ayaa lagu yiri, Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle.

Ugu dambeyn Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in Xaalada magalada Jowhar hadda ay degan tahay, isla markaana aysan jirin  wax cabsi amnidaro ah, waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamada Ammaanka ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Habeen ka hor  ayay aheyd markii weerar bambaano oo ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle ay ku dhaceen meelo kamid ah Magaalada Jowhar, waxaana ay kusoo aadayaa xilli la filayo in dhawaan Magaalada ay ka billowdaan doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.