Maamulka Gobolka Hiiraan oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay fatahaadaha

Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay Xaafado katirsan Magaalada Beleweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo badi dadkii deganaa ay ka barakaceen.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa billaabay inay qiimeyn ku sameeyaan khasaaraha guud ee ka dhashay fatahaada, iyaga oo fulinaya amarkii kasoo baxay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa sheegay in fatahaadaha Magaalada Beledweyne ay uga dhinteen 9 Ruux oo 8 kamid ah la’aasay halka 270K oo qofood ay saameeyeen fatahaadaha, isla markaana aysan jirin wax gurmad ah oo soo gaaray dadkaas.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay kamid tahay Magaalooyinka ugu daran ee xilligaan ay saameeyeen fatahaadaha Wabiga iyo Daadadka Roobka, waxaana ka barakacay Boqolaal Qoys oo ku noolaa.