Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Garasbaaley ayaa maanta kormeer ku sameeyay barakacayaasha ku nool Garasbaaley ee xalay uu saameeyay roobkii Da’ay.
Ku-simaha Guddoomiyaha Garasbaaley ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Cali Xasan Cali, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Garasbaaley iyo masuuliyiin kale ayaa soo indha indheeyay xaalada nololeed dhammaan barakacayaasha ku nool Garasbaaley.
Guddoomiye Cali Xasan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dhawaan in Garasbaley ay soo gaareen barakacayaal cusub oo ka yimid degaanada Awgooye, Gabare iyo Haduuman oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sababo la xiriira dagaalo iyo fatahaada wabiga Shabeelle.
Wuxuu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Garasbaaley in maanta ay isbitaalka Banaadir ay geeyeen ilaa 7 caruur ah oo uu sameeyay roobka, wuxuuna sheegay dadkan cunta la’an inay u dheer tahay cuduro kala duwan oo soo wajahay.
“Dhammaan dadkan dhawaan ayay halkan yimaadeen, waxaa ku jira qaarkood oo cuduro kala duwan ay qabaan, ma heystaan wax ay cunaan, ma heystaan meel ay ka galaan roobkan, hada roob ayaa da’aya, Todobo caruur ah ayaan geynay isbitaalka Banaadir oo la waayay meel ay roobka ka galaan, annaga wixii karaankeena ah, waan u qabaneynaa”. Ayuu yiri Guddoomiye Cali Xasan Cali.
Ugu dambeyntii Ku-simaha Guddoomiyaha Garasbaaley ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Garasbaaley Cali Xasan Cali ayaa ugu baaqay dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’adaha deeq-bixiyeyaasha inay gargaar la soo gaaraan dadkan, si loo bad baadiyo.



