Maamulka gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhawr iyo toban ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay weerar xaga cirka ah oo lagu qaaday deegaanno ka tirsan gobolka.
Weerarka oo ay fuliyeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Al-Shabaab iyo goob ay doonayeen inay weerarro ka soo qaadaan.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamad Nuur Siidii ayaa sheegay in degaano dhowr ah ay duqeeyeen ciidamada Uganda, iyaga oo ka hortagayay Al-Shabaab oo doonayay in Bishaan Ramadan ay geystaan.
Waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray in weerarkaas lagu burburiyay Gaari Cabdi Bille ah oo mrayay inta u dhaxeysa degaannada kili Asaayle iyo Tawakal halka degaannada Bari lagu dilay in ka badan 10 ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamad Nuur Siidii waxaa uu sheegya in duqeynta lala beegsaday Kolonyo ay wateen Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay wadeen is aruursi si ay weeraro u geystaan.
Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee ku aadan in duqeyn diyaaradeed lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaano ka tirsan Gobolkaas.



