Maamulka G/Hiiraan oo faah faahiyey dadka uu soo ritey Cudurka shuban Biyoodka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay faah faahin Guud ka bixiyeen Cudurka Shuban Biyoodka oo ka dilaacey Magaalaa Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,kuwaas oo la dhigey Isbitaalka Magaaladaas.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Goolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in cudurka Shuban biyoodka uu sabab u yahay fatahaada uu sameeyey Wabiga maadaama dadka ay muddo barakac uag maqnaayeen magaalada.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in uu booqdey Isbitaalka weyn ee Magaalada baladweyne,isla markaana uu kusoo arkay in 45 Ruux oo uu cudurkaas oo ritey,kuwaas oo xaaladooda Caafimaad lala tacaalayo.

Waxaa ugu dambeyn sheegay in maamulka Gobolka Hiiraan ay diyaarinayaan meelo gaar ah oo loogu talo galay in dadka uu cudurka soo ritey lagu daweeyo,isla markaana Maamulka gobolka Hiiraan ay sigaar ah ga warqabaan.