Maamulka degmada Baraawe oo soo saaray Amar ku socda Shacabka

Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa awaamiir kasoo saarey dadka degan goobaha Danta guud gaar ahaan Xarumaha Dowladda in ay kaga guuraan si deg deg ah.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi Shafana ayaa lagu amray dadka degan dhulalka danka Guud ee dowladda in muddo 30 Cisho ah uga guuraan si loogu adeego Bulshada.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa faray laamaha Amniga degmadaas inay ka Shaqeeyaan sidii Dhulalka Dowladda dadka degan  looga saari lahaa.

.