Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa caawa shaaciyey in Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka cusub loo asteeyey in ay dhacdo maalinta Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 27ka December 2016, saacadda 09ka subaxnimo.
C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha guud ee
Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaannada in ay horey u soo qaataan kaararkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato qabsoomidda munaasabadda.
“si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka
iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer
Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada
Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka
10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada
Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta
Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu
yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.


