Maamulka Afbarwaaqo oo shaaciyey qatar ka jirto deegaankaas

Gudoomiyaha Deegaanka Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay shacabka ku dhaqan deegaanka Afbarwaaqo iyo Tuulooyin hoostago in ay khatar badan dareemayaan , isagoo xusay in ay jirto Haan Sun ah oo Badda kasoo caarisay oo halis ugu jirto in ay furato.

Gudoomiyaha oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda  ayaa sidoo kale sheegay in deegaanka ay ka jiraan baahiyo badan oo dhanka arimaha bulshada ah , waxa uu xusay in uusan jirin booliis ka shaqeeyo deegaanka , sidoo kale waxa uu xusay in deegaanka uusan laheyn isbitaal.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in deegaankaas aysan ka howlgelin wax hay’ad ah taasina keentay in Bulshada ay waayaan waxyaabihii muhiimka u ahaa Nolosha Bani’aadamka.

Haanta suntan ah ee Badda kasoo caarisay ayuu sheegay inay halis ugu jirto inay dilaacdo taas oo waxyeelo u geysan karta dad ku nool Deegaanka Afbarwaaqo iyo tuulooyinka ku dhow dhow.