Maamul Goboleedyada oo ka hadlay qarixii Xarunta Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa tacsi u diray Ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan shacabka Gobolka Banaadir waxa uuna uga tacsiyeeyay arinta argagaxa leh ee shalayka dhacday xarunta Gobolka Banaadir halkaas oo uu ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah  Masuuliyiinta Maamulka  Gobolka Banaadir.

Waxaa Madaxweynahu si gaar ah tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii dadkii ku naf waayay weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir,waxa uuna alle uga baryay in uu caafimaad taam ah siiyo inta dhaawaca ah.

Dhinaca kale War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ka dhacay,iyada oo inta u dhaawacantay caafimaad loo rajeeyay.

“Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Goleyaasha Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida walaalaha Soomaaliyeed ee ku nafwaayey qaraxaasi, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabkii iyo masuuliyiintii dowladda ayaa lagu yiri Waka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland”.

Siyaasiyiin hore,Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxaa ay si kulul u cambaareeyeen qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku geeriyoodeen Guddoomiyeyaal & Agaasimeyaal ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.