Maalinta Aragga Aduunka oo Muqdisho laga xusay

Munaasabadaaan oo lagu maamuusayey maalinta araga aduunka oo ku beegan maanta ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana  ka qayb galay wasiiro xildhibaano xeer ilaaliyaha guud ee qaranka maaamulka iskuulka ardayda araga la ee al-basiir oo xaflada soo qaban qaabiyey

Inta ay munaasabada socotay ayaa ardayda araga la, waxay ku soo bandhigeen riwaarad ka tar jumaysay hamiga dheer ay ka lee yihiin in ay hormar ka sameeyaan waxbarashada dalkana ay wax u qabtaan

Maamulaha iskuulka Al-basiir  abiikar Xuseen Bashiir ayaa munaasaba ka sheegay in ay gacanta ku hayaan 44 arday oo rag la una baahan in lagu caawiyo sidii ay wax u baran lahaayeen

Gudoomiayaha hay.ada culumada soomaaliyeed Sheikh Bashiir Axmed Salaad ayaa dowlada inta wax haysata u soo jeediyey in ay aaad u taageeraan dadka araga la’ si aan niyada looga jabin

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka DR Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in uu  da,daalkiisa isugu geen doono  qaabkii xukuumada iyo baarlamaanka u meel marinta sharciga naafada

Xildhibaan Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow ayaa soo jeediyey in dowlada laga rabo sidii looga heli lahaa  doorka ay ka qaadanayso wax u qabadka naafada qaybaheeda kala duwan

Wasiir ku xigeenka wasarada waxbarashada Xaamud Cali Xasan ayaa  balan qaaday in wasaradu ay diyaar  la tahay bixinta dhul ay wax ku bartaan dadka araga la hase ahaatee loo bahan yahay in lahelo cidii dhisi lahayd

Ugu dambeen wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska saalax sheikh Cismaan oo soo xeray munaasabada ayaa ka sheeegay in arday Soomaaliyeed wax waliba oo ay u baah daan laga rabo  dowlada Soomaaliya