Lukas Podolski ayaa si furan uga hadlay sida uu ugu dhibtooday inuu boos joogta ah helo kooxda Arsenal mudadii labo sanno iyo bar ah.
Xiddigii hore ee Bayern Munich ayaa Gunners ku biiray sannadkii 2012 isagoo u dhaliyay 31 gool islamarkaana caawiye ka ahaa 17 gool 82 kulan uu saftay isagoo sidoo kale qaaday koobka FA Cup 2014.
Waqtigii uu Podolski joogay Arsenal waxay ku soo aaday Koobkii Adduunka ee Jarmalka ay qaadan sannadkii 2014, laakiin xilli ciyaareedkii ku xigay waxa uu ciyaaray daqiiqado yar inkastoo uu qeyb ka ahaa xulkii Jarmalka.
Bishii November 2014, waxa uu soo bandhigay carada uu ka qabay inaan la ciyaarsiinin taasoo keentay in amaah lagu siiyo Inter Milan labo bilood ka dib.
Podolski oo haatan u ciyaara kooxda Turkiga ee Antalyaspor ayaa sheegay inaan la ciyaarsiinin daqiiqadihii uu u qalmay: “Ma aanan helin waqti ku filan oo aan ku ciyaaro; waxaan dareemayay inaan si fiican u ciyaaray, inaan helin daqiiqadihii aan u qalmay.” ayuu u sheegay majalada FourFourTwo.



