Lucas Perez Oo Fariin Adag U Diray Macalinkiisa Arsene Wenger- Muxuu Dalbanayaa?

Lucas Perez ayaa qiray in uu filayo mustaqbalkiisa Arsenal inuu wanaagsanaado ,laakiin waxaa uu ka dalbaday macalinka inuu ka saacido taas.

Weeraryahanka reer Spain ayaa ugu biiray Gunners £17 milyan bishii August, laakiin waxa uu kaliya ciyaaray 64 daqiiqo oo Premier League ah ilaa iyo haatan.

Iyadoo Alexis Sanchez wacdarro uu ka sameynayo qeybta weerarka dhexe ,Perez ayaan wali helin fursad uu booska joogtada ah ugu ciyaaro.

“Waxaan weydiisanayaa macalinka inuu ii ogolado fursad aan ku muujiyo xirfadeyda”  ayuu yiri wiilkaan reer Spain ee Lucas Perez.