Burburiyaha aadka loola dhacay qaab ciyaareedkiisa Naby Keita ayaa waxaa loo sheegay in uusan ku biiri doonin kooxda Liverpool xitaa haddii ay kusoo dalbato adduun lacageed dhan 100 milyan oo yuuro.
Keita waxaa la fahamsan yahay inuu isha ku haayo u dhaqaaqidda kooxda ka dhisan Anfield Road, iyadoo tababare Jurgen Klopp uu bartilmaameed sarre ka dhigtay xiddiga qadka dhexe ee kooxda Red Bull Leipzig ee dalka Jarmalka.
Kooxda Red Bull Leipzig ayaase waxay sheegtay in uusan iib aheyn Keita si la mid ah xiddigaha muhiimka ah ee kooxdooda, xitaa haddii lagu soo dalbado 100 milyan oo yuuro.
Kooxda ka ciyaarta Bundesliga ayaa waxay si toos ah ugu soo baxday tartanka UEFA Champions Leaguem, maamulaheeda dhanka ciyaaraha Ralf Rangnick ayaana sheegay in aysan iibin doonin Keita taasoo dhabarjab ku ah kooxda Liverpool.
Xigasho Gool.net


