Liverpool oo Man Utd ku xasuuqday Tartanka ICC Cup

Kooxda Mourinho ayaa waxaa garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool kulan ka tirsanaa koobka International Champions Cup.

Xiddigaha Sadio Mane, Daniel Sturridge, Sheyi Ojo iyo Xherdan Shaqiri ayaa shaba soo taabtay kulankaan oo Liverpoolo si weyn ay u gacan sareysay.

Andreas Pereira ayaa dhaliyay goolka kaliya ee United oo ahaa laad xor ah, iyadoo Mourinho kooxdiisa lagu qaarajiyay 4-1.

Tababaraha United ayaa shaaca ka qaaday in dhaawac soo gaaray kulanka daafaciisa Bailly aan la fileyn inuu noqdo mid culus.

Liverpool ayaa hore usoo garaacday isla tartankaan saaxiibtinimo kooxda Manchester City toddobaadkii hore.