Burnley ayaa soo gabagabeysay rajadii kooxda difaacaneysa Premier League ee Liverpool ay ugu dhameysan laheyd xilli ciyaareedka iyadoo 100% rikoor fiican ku heysata kulamada horyaalka.
Tani waxay kaga mahadcelinayaan qeybtii labaad ee ciyaarta Jay Rodriguez oo gool qurux badan siiyay.
Weeraryahanka kooxda Clarets Rodriguez ayaa shabaqa u diray kubad madaxa uu ku caawiyay James Tarkowski iyadoo kooxda Sean Dyche ay dhibic muhiim ah soo qadatay.
Kooxda martida aheyd xitaa wey ku badin kareen Anfield, laakiin Johann Berg Gudmundsson ayaa dusha ka saaray shabaqa darbo xoogan oo uu tuuray.
Andrew Robertson ayaa hogaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa qeybtii hore, laakiin waxa kale oo ay dhaleen fursado badan oo fiican oo ay goolal dheeri ah ku dhalin kareen, iyadoo Mohamed Salah iyo Curtis Jones ay dayaceen inta ugu badan.
Waxaa sidoo kale Nick Pope uu qaatay habeen qurux badan, iyadoo goolhayaha reer England uu sameeyay dhowr badbaado oo wanaagsan isagoo u diiday Salah iyo ciyaartooy kale in ay goolal dhaliyaan.
Roberto Firmino ayaa kubad ka dhex toogtay xerada ganaaxa iyadoo Liverpool ay weerar ku soo qaaday si ay uga faa’ideysato kubad haysashadeeda oo ka badneyd 70%. Laakiin ma suurta galin inuu shabaqa gaarsiiyo kubadaas
Tani ayaa la micno ah Liverpool aysan haatan dhaafi karin rikoorkii Premier League ay ku guuleysteen kulamada gurigooda xilli ciyaareedkii hore ; Waxay u baahan yihiin inay garaacaan Chelsea ciyaarta ugu dambeysa oo ay ku ciyaarayaan Anfield si ay u helaan guushoodii 18aad ee gurigooda.
Waxay ku jiraan qaab ciyaareed hagaagsan si ay u gaaraan dhibcaha ugu badan ee abid Premier League lagu qaado; in kastoo seddex kulan uu u harsan yhay haddana waxar u baahan yihiin 7 dhibcood si ay u gaaraan rikoorka Manchester City ee xilli ciyaareedkii 2017-18.
Burnley ayaa haatan ah shan kulan oo aan laga badin kujirta tan iyo intii uu soo laabtay Premier League lagamana badin tan iyo markii guuldarro 5-0 ay ka soo gaartay Manchester City.
Bareejadaan ayaa ka dhigtay in ay kaalinta sagaalaad fariistaan isla markaana ay rajo ka yeeshaan boosaska lagu ciyaarayo Europa League xilli ciyaareedka soo socda.
Rikoor
Xiddiga Liverpool Mohamed salah ayaa sameeyay darbo badan intii uu wajahayay kooxda Burnley (lix) isgaoo labo jeerna bartilmaameed ka dhigtay goolka laakiin waa uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto.
Burnley ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 13kii kulan ee ugu dambeyay Premier League (W7 D5), sidoo kale lagama badinin shantii kulan ee ugu danbeysay.
Liverpool ayaa heshay 23 darbo kulankaan, waana heerkoodii ugu badnaa darbo ruuris tan iyo bishii December 2017 (23 ku tuureen Everton).
Goolka Andrew Robertson wuxuu ahaa kiisii ugu horreeyay ee Premier League Liverpool uu ugu dhaliyo Anfield muddo 790 maalmood ah, tan iyo markii uu shabaqa ka soo taabtay kulankii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkii 2017-18.
Xiddiga Burnley ee Jay Rodriguez ayaa goolal ka dhaliyay kulamo xiriir ah Premier League markii ugu horeysay tan iyo bishii Abriil 2018. Xaqiiqdii, Rodriguez wuxuu ku lug lahaa gool afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League (seddex gool, hal caawin).
Fabinho ayaa ku lug lahaa seddex gool shantiisii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee Liverpool (hal gool, labo caawin),waa in kabadan wuxuu sameeyay 39-kiisii kulan ee ka horeeyay (hal gool, hal caawin) kaliya lahaa.
Maxaa xiga?
Labada koox ayaa dib ugu soo laaban doona garoomada Arbacada 15ka July, iyadoo Burnley ay martigelin doonto Wolves ka hor inta aysan Liverpool ku wajihin Arsenal garoonka Emirates Stadium.



