Liverpool oo Labadan weeraryahan midkood ka diraysa Anfield

Kooxda kubadda cagta Liverpool wali sii wada sidii ay kooxda kaga diri lahayd xodigaha aysan u baahneen ee kusugan Anfeild Stadium.

Marakanna weeraryahanada Divock Origi iyo Domanic Solanke ayaa midkood laga diri doonaa Reds kuwaas oo ay kooxdu u aragto kuwa aan u qalmin in ay sii joogaan kooxda Mersyside.

Weeraryahanka reer Belgium Divock Origi ayaa larajaynayaa in uu kooxda isaga dhaqaaqo kahor inta aan habennimada jimacaha aysan xirmin daaqadda kala iibsiga kooxaha yurub.

Weeraryahankii hore ee Lille ayaa asbucii lasoo dhaafay kudhawaaday in uu kubiiro Borussia Dormund kahor inta aysan kadooran Paco Alcacer kaas oo ay kasoo qaateen Barcelona, balse kadhaqaaqidda Origi ee Anfeild Road ayaa ah mid wali suurta gal ah.

Kadib markii uu kooxda koobaad dib ugu soo laabtay Daniel Sturridge Klopp ayaa u muuqda mid kooxda kadiri doona Origi ama Solanke.

Si  kastaba ha ahaatee Solanke ayaa kaliya loo ogolaan doonaa in uu baxo haddii Origi uusan dhammaystirin katigitaankiisa Liverpool.