Liverpool ayaa ku dhawaaqday inay dhammeystirtay saxiixa Sadio Mane kaasoo qalinka ugu duugay qandaraas muddo dheer ah ka dib markii uu kaga soo biiray kooxda Southampton.
Reds ayaa la aamisan yahay inay ku dhowaad 30 milyan oo ginni ku qarash gareysay saxiixa Mane kaasoo uu tababare Jurgen Klopp ku xoojiyey weerarka kooxdiisa ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo aadan 2016 illaa 2017.
24 sanno jirkaan heerka caalami ee dalka Senegal, ayaa hore loola xiriirinaayey kooxda Manchester United, laakiin wuxuu doortay inuu ku biiro cadaw ciyaareedkeeda kubadda cagta ee Reds ka dib markii uu irdaha usoo xiray laba sanno oo uu ku qarash gareeyey Southampton.
“Maanta waa maalin weyn waana ku faraxsanahay inaan u saxiixay mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub,” Mane ayaa sidaasi u sheegay hillinka rasmiga ah ee Liverpool. “Waa koox ku guuleysatay koobab badan isla markaana taariikh weyn leh. Hadda waxaan isha ku hayaa inaan la kulmo shaqaalaha kooxda oo dhan iyo ciyaartoyda aan isku kooxda nahay isla markaana aan bilowdo xilli ciyaareedka cusub.”
Mane oo xiran doona maaliyadda lambarka 19aad ee Liverpool
Mane oo xiran doona maaliyadda lambarka 19aad ee Liverpool
Mane ayaa yimid kooxda ka dhisan Anfield Road ka dib markii uu 25 gool u dhaliyey Southampton tartamada oo dhan 75 kulan oo uu u saftay, wuxuna noqday ciyaaryahankii shanaad ee ay Liverpool kasoo iibsatay Southampton laba sanno gudahood. Si la mid ah wuxuu noqday saxiixii seddaxaad ee ugu qaalisanaa taariikhda Reds.
Xiddigaan garabka ka ciyaara ayaa hore usoo xirtay maaliyadaha kooxaha Metz iyo Red Bull Salzburg, waana saxiixii afaraad ee uu sameeyo tababaraha reer Germany Klopp tan iyo markii uu qabtay Liverpool waxaana isaga horti kooxda yimid Marko Grujic, Joel Matip iyo Loris Karius.
Waxaa xusid mudan inuu Mane xiran doono lambarka 19aad ee kooxda Liverpool.


