Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa billawday baacsiga difaaca xulka qaranka Croatia ee Domagoc Vida, tan iyo markii uu soo idlaaday Koobka Adduunka.
Reds oo ku jirta is qalabeyn tii ugu xoogga badneyd ayaa xagaagan lasoo saxiixatay laacibiinta kala ah Alisson Becker, Fabinho, Naby Keita iyo Xherdan Shaqiri.
Sidaas ay tahayne, Jurgen Klopp ayaa weli baadi goobaya difaac dhexe oo uu la mattaaneysiiyo Virgil Van Dijk.
Liverpool ayaa dalab qiimo ahaan dhan €22m u gudbisay kooxda Beşiktas si ay kaga soo qaataan difaacooda dhexe.
Balse kooxda reer Turkey ayaa diyaar u ah keliya inay aqbasho dalab aanan ka yareyn €30m si ay iibiyaan 29-jirkan.
Simon Mignolet ayaa dhankiisa diiradda u saaran Beşiktas, taasoo macquul ka dhigeysa inay labada koox ay isla eegaan heshiis is dhaafsi ah.



