Liverpool Oo Awoodeeda Dhaqaale Iskugu Gaynaysa Saxeexa Kylian Mbappe

Kooxda ree England ee Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay qorshaynayso sidii ay awoodeeda dhaqaale iskugu gayn lahayd saxeexa da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe oo ay Real Madrid dhinaceeda ka doonayso.

Reds ayaa lagu soo warramayaa inay bar-tilmaameedkooda koowaad ee suuqa kala iibisga ka dhigteen Kylian xilli ay isha ku hayaan inay noqdaan kooxda ugu wanaagsan dunida iyagoo ka bixin kara lacag dhan €250 Milyan.

Wargeyska  El Desmarque ayaa sheegaya in tababare Zidane ay ka go’antahay inuu Mbappe keeno Real Madrid balse ay Liverpool si adag ugula tartami doonto saxeexiisa.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Liverpool ay tahay mid waxkasta u huraysa sidii uu heshiiskani u qabsoomi lahaa isla markaana ay Mbappe miiska u saarayso mushahar dhan €40 Milyan sanadkii taas oo ah in ka badan Lionel Messi inta uu Barcelona ka qaato.

Iyadoo imaatinka Mbappe ee Anfield uu midkood daaqada ka saari doono saddexleyda haatan ee Mane, Firmino iyo Salah ayay Liverpool doonaysaa inay iska dirto Salah oo ay doonayaan inay isaga siiyaan Real Madrid si ay ugaga jeediyaan Mbappe.