Labada koox ee Liverpool iyo Tottenham ayaa lagu soo waramaya iney bartimaameed ka dhiganayaan weeraryhankii hore ee kooxdda Manchester United Javier Hernandez.
Labada tababare ee Jurgen Klopp iyo Mauricio Pochettino ayaa kusii jeeda suuqa kala iibsiga oo furmi doona bisha soo aadan.
Ahmiyada koowaad ee Klopp waa nin ka ciyaara garabka halka ahmiyada koowaad ee tababare Pochettino ay tahay qof ka ciyaara nambar 10.
Labada kooxba waxaa walaac ugu filan xiisaha ay kooxda Valencia eee wadanka Spain u qabto Hernandez madaama uu xiriir fiican ka dhaxeeyo kooxaha Velencia iyo Bayer Leverkusen.
Valencia oo booska 4 aad kaga jirta La liga waxaa ay aaminsan tahay in Hernandez uu yahay qofka horey u dhaqaajin kara kooxda.
Labada koox ee Ingriis ah waxaa ay laacibka Mexico kula kulmi karaan £33.5m bisha soo aadan ee Janaayo.
Inkastoo Spurs ay suuqii xagaaga £17milion kusoo iibsatay Vincent Janssen, hadana uma muuqato isku filnaansho, sidoo kale Harry Kane ayaa noqday mid aan ka foojignaan karin dhaawacyada.
Liverpool ayaa lumin doonta Daniel Sturridge bisha soo aadan marka uu suuqu furmo,The Mirror waxa ay aaminsan tahay iney Tottenham ku garaaci karaan loolanka Hernandez.
Javier Hernandez ayaa dhaliyay 33 gool kadib 6o kulan oo uu kasoo muuqday Leverkusen tan iyo markii uu ka tagay Man United.


