Lionel Messi ma Ciyaari doonaa Kulanka Caawa ee kooxdiisa la leedahay Vilarreal?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka jawaab bixiyay haddiiba uu kulanka caawa ay la yeelan doonaan kooxda Vilarreal nasin doono hoggaamiyaha safkiisa ee Lionel Messi xilli ay kulamo muhiim ahi kusoo wajahan yihiin.

Barcelona ayaa toddobaadka dambe ciyaari doonta laba kulan oo natiijooyinka kasoo baxaa ay saamayn ku yeelanayaan xilli ciyaareedkeeda waana kulanka Atletico Madrid oo ay horyaalka ku dagaalamayaan iyo kulanka Man United ee wareegsa siddeeda Champions League.

Haddaba, Tababaraha ayaa sheegay inay saxaafadu shaxda uun eegaan si ay wax uga ogaadaan go’aanka uu Messi ka qaadanayo balse hadalkiisa kale ayaa laga dareemayaa inuu kusoo bilaabayo kulankan maadaama oo uu ku dheeraaday muhiimada saddexda dhibcood.

Ernesto ayaa yidhi “Berri (Maanta) ayaynu eegi doonaa wax ku saabsan Leo, Saddexda dhibcood ee berrito waxa ay u dhigmaan sida kuwa Atletico, Waa kulan wanaagsan oo ay tahay in la guuleysto”

Dhinaca kale kulanka Champions League ee Man United ayaa noqon doona mid ay il gaar ah ku hayn doonaan inay ka badbaadaan wixii soo qabsanayay sanadihii ugu dambeeyay oo ay ku adkaatay inay dhaafaan wareega siddeed dhammaadka.