Liiska Musharaxiinta xubnaha Aqalka Sare u matalaya maamulka cusub ee Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo sida ay sheegeen Madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in uu Maanta soo saaro liiska xubnaha u tartamaya xubnaha Aqalka sare ee gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.
Liiska Maanta lagu dhawaaqayo ayaa lagu wadaa in berri xubnaha u sharaxan Aqalka Sare ay khudbad ka horjeediyaan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle si ay u soo bandhigaan waxqabadkooda.
Xubnaha laga rabo maamulka Hirshabeelle in ay u matalaan Aqalka Sare ayaa ka koobnaan doono 8 xubnood.


