Lacagta Britishka oo aad hoos ugu dhacday

Lacagta Pound-ka ee Britishka ayaa markii ugu horaysay aad hoos ugu dhacday ku dhawaad toddobo sano meeshii ay joogtay markii loo badalayo Dollarka, iyadoo ay jirto hubaal la’aan in Britain ay ka baxayso Midowga Yurub iyo in kale.

Mar ayay hoos u dhacday 2.1% oo Pound-ka gaaray $1.41, oo ah hoos u dhacii ugu waynaa hal maalin tan iyo March 2009-kii.

Talaabadan ayaa ka danbaysay markii Duqa magaalada London Boris Johnson, uu sheegay inuu ku biirayo ololaha in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, kadib markii Ra’iisalwasaaraha David Cameron uu ku dhawaaqay in bisha June la qabanayo Afti.

Hoos u dhaca badan ayaa u keentay qasaaro lacagta Poundka oo hoos u dhacaysay bilihii ugu danbeeyay.

Ilaa hadda cabsi laga qabo Britain inay ka baxdo Midowga Yurub ayaa pounka hoos u dhigay 4% marka loo badalayo Dollarka.

Hoos u dhaca maanta ayaa u eg inuu ka jawaabayo inay korortay suurtogalka in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, kadib markii heshiis cusub ee Midowga Yurub uu kala qaybiyay siyaasiyiinta, ayuu sheegay Sam Hill oo ah dhaqaalyahan ka tirsan RBC Capital Market.

Hadii uu Pound-ka uu sii ahaado meesha hoose ee uu joogo maanta, waxay noqon doontaa hoos u dhacii ugu waynaa tan iyo markii bangiga dhexe ee England uu hoos u dhigay dulsaarka 2009-kii, oo uu bilaabay barnaamij uu lacag ku daabacayo si dhaqaalaha loo taageero.