Nuur Maxamed Geedi Canjeex ayaa markii ugu horeysay ka mid noqday Senatarada Aqalka Sare kadib markii uu ka guuleystey Maxamed Cusmaan Dhega-Juun oo afartii sano ee la soo dhaafay ka mid ahaa senatarada Aqalka Sare.
Sidoo kale Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama ayaa Cod gacan taag ah ku kusoo baxday, Ka dib markii ay u tanaasushay Sacdiyo Yarow oo la tartameysay.
Saddex ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayay Hirshabelle ayaa caawa lagu kala guuleystey iyadoo labo kamid ah kuraasta si adag loogu tartamay.



