Labo Musharax oo u soo gudbay Wareegga labaad doorashadda Hirshabeelle

Waxaa lasoo gabagabeeyay Wareegga Koowaad ee tirinta Codadka Doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ee ka socota Magaalada Jowhar.

Musharax Maxamed Cabdi Waare ayaa heysta Codad gaaraya 44 cod,islamarkaana doorashadda hoggaaminaya.

Musharaxa ku xiga Daahir Cabdulle Cawaale ayaa leh 20 cod, halka Musharaxiinta kala ah Cabdi Faarax Laqanyo iyo C/naasir xaaji Shirwac ay leeyihiin min 6 cod.

Guddiga doorashadda ayaa sheegay in wareegga labaad ay usoo gudbeen Musharaxiinta Waare iyo Daahir.