Labo Kursi oo ka mid ah golaha Shacabka oo berri lagu dooran doono Dhuusamareeb

Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in maalinta berri ay qaban doonaan doorashada labo kursi oo ay ku tartami doonaan Musharaxiinta doorashada Xildhibaanada golaha shacabka.

Labada Kursi mid ka mid ah waxaa hadda doonaya in uu qaato taliyaha KMG ah ee NISA oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka taagnaa buuq xooggan oo ka dhashay habka loo maamulay kursigaasi.

Kursiga labaad ayaa lagu waddaa in uu kusoo baxo Xuseen Iidow kaasoo ku fadhiyay afartii Sano ee lasoo dhaafay.