Andre Gomes iyo Denis Suarez ayaa labadoodaba ku soo laaban doona Spain ka dib markii ay dhaawacyo kasoo gaareen kulankii Barcelona tartanka Champions League Cup-ka ku wajaheen Tottenham shalay.
Labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ayaa laga saaray qeybtii hore ee kulankii barbaraha 2-2 kusoo idlaaday, waxaana haatan tijaabo caafimaad ay ku marayaan Spain.
Barca ayaa ka cabsi qabta in Gomes uu garoomada ka maqnaando muddo laba bilood ah, halka Denis la filayo inuu garoomada seego dhowr isbuuc.
Gomes, oo 25 jir ayaa la filayay inuu ka tago kooxda xagaagan, Arsenal ayaana ka mid ah kooxaha xiiseynaya.
Laakiin hadda waxay u badan tahay inuu sii joogo ilaa ugu yaraan Janaayo si uu kaga soo kabsado dhaawaciisa.
Dhanka kale, Denis oo rajeynayay inuu ka faa’iideysto bixitaanka Andres Iniesta iyo Paulinho ayaa dhabar jab uu ku yahay dhaawacaan.



