Laamaha Amniga Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Koox burcad ah

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxaa ay gacanta ku dhigeen Koox Burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac u geeysan jiray dadka Shacabka ah.

Howlgalka oo uu Hoggaaminayay Taliyaha Booliska degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir Jimcaale Macoow ayaa sigaar ah waxaa looga sameeyay  Xaafadda Wiif ee aagga Suuq Bacaad ee degmadda Yaaqshiid, iyada dadka la qabtay ay gaarayaan 7 rag ah oo bustoolado ku hubeysan, kuwaas oo marar kala duwan la qabtay.

Taliyaha Booliska degmada yaaqshiid ee Booliiska gobolka Banaadir Jimcaale Macoow ayaa waxa uu sheegay in shacabka Magaalada Muqdisho nabadooda ay ka Shaqeeynayaan, isla markaana aysan aqbaleyn in la dhibaateeyo.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay sharciga la tiigsan doonaan ragga Burcadda ah, sidoo kale ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka Kooxaha Burcadda ah oo dhibaato ku haayo Shacabka ku nool Xaafadaha degmada Yaaqshiid.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka ku nool Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid waxaa xilliyada habeenkii dhac u geysan jiray Kooxo Burcad ah oo wata Mooto Bajaaj, waxaana taasi ay keentay in Shacabka xilliyada habeenkiibaysan guryaha kasoo bixin.