Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay inay Maanta gacanta ku dhigeen Nin ku eedeysan dil degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magalada Muqdisho loogu geystay Nin Imaam ka ahaa Masaajid kuyaalla degaankaas.
Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay qabtaan Nin ku eedysan in uu dil u gaystay Ibraahim Cusmaan Axmed oo ahaa imaamka Masaajid ku yaala Deegaanka Garasbaaleey, halka Sidoo kalana uu dhaawacay Mu’adinkii Masaajidka shalay oo taariikh ahayd 29.
War kasoo baxay Taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Eedaysanaha u dilka u adeegsaday Baangad, waxaana la sheegay in uu tabliiq ahaay Masjidkana uu Moddo wax ka joogay, isla markaana si loo xaqiijiyo sababta ku kaliftay dilka, cadaaladdana loo waafajiyo eedaysana ay ku socoto baaris.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday dadaalo ay wadeen Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, kaas oo ahaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Ninka dilka u geystay Imaamka Masaajidka kuyaalla degaana Garasbaaleey, kaas oo ay ku guuleysteen.
Alle ha u naxariistee Ibraahim Cusmaan Axmed oo ahaa Imaamka Masaajidka ee la dilayaa lagu Aasay khabuuro kuyaalla degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna Macalin Dugsi Qur’aan ka ahaay degaanka lagu dilay ee Garas-baaleey.



