Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Nin hoobiye tuurayay

Laamaha Amniga degmada Dayniile Ee Gobolka Banaadir ayaa galabta gacanta ku dhigay Maxamed Xassan Cali oo kamid ah Ururka Al-Shabaab kaas oo doonayay inuu ka tuuro degmada dayniile hoobiyayaal.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in shaqsigaasi lagu qabtay degmada Dayniile, islamarkaana dhawaan caddaaladda la horkeeni doono.

“Laamaha Amniga degmada Dayniile ayaa galabta qabtay dhagarqabe Maxamed Xassan Cali oo kamid ah kooxda Alshabaab kaas oo rabay inuu ka tuuro degmada dayniile hoobiyayaal” ayuu yiri gudoomiye Tuulax.

Waxaa uu intaasi kusii daray” Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa ciidamada amniga oo heegan buuxa ugu jira sidii ay Shacabka Gobolka Banaadir uga badbaadin lahaayeen dhagarta cadawga.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada iyo xarunta Xalane waxaa ku dhacayay hoobiyeyaal laga soo tuurayay xaafado ka mid ah Muqdisho.