Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin xalay weerar loo adeegsaday bambaanada gacanta laga tuuro ku qaaday Bar-Koontorool oo Ciidanka dowladda ku leeyihiin Waax ka tirsan degmada Yaaqshiid.
Weerarka Bambaano ayaa xalay fiidkii waxaa uu ka dhacay Waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid,waxaana ku geeriyooday askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya.
Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo kormeer amni ku tegay degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah rag weerarka bambaano ku qaaday Koontooroolka Ciidamada.
Waxaa uu u mahad celiyey Ciidamadii ku guuleystay inay qabtaan ninkaas,waxaana sidoo kale uu ugu baaqay Shacabka ku nool degmada Yaaqshiid inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida dhinaca Amniga.
Waa markii labaad oo weerar Bambaano loo adeegsaday lagu qaado Barta-Koontorool oo ay Ciidanka Booliska Soomaaliya ku leeyihiin Waaxda Horseed oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir,isla markaana qofkii ka dambeeyay la qabto.



