Mr Saalax oo 28-jir ah ayaa toddobaadkii aanu dhaafnay markii ugu horeysay laga helay feyriska Corona , inkastoo uusan xilligaasi lahayn calaamadaha cudurka.
Ururka ciyaaraha dalka Masar ayaa waxay xaqiijiyeen in Arbacadii mar kale baaritaan lagu sameeyay islamarkana laga helay cudurka.
Arrintani ayaa waxay micnaheedu tahay in Mr Saalax uusan ka qeyb gali doonin labada kulan ee kooxdiisa Liverpool, maadaama ay tahay in mar kale in uu karantiil galo.
Kooxda Liverpool ayaa Axadda marti galin doonta kooxda Leicester, halka 25 November ay la ciyaari doonaan kooxda Atlanta.
Talaadadii, ayuu Salax baraha bulshada soo dhigay farriin ahayd, “Waxan jecelaan lahaa inaan u mahadceliyo qof kasta fariimaha taageerada ah ee aad ii soo dirteen iyo caafimaadka aad ii rajeyseen”.