Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa iney lasoo saxiixato qadka dhexe ee kooxda Valencia Sofiane Feghouli.
Xidiga qaranka Algeria ayaa lala xariirinayaa inuu isaga tagi doono horyaalka Spain maadaama uu dhamaanayo xili ciyaareedka danbe heshiiskiisa.
Manchester United ayaa sidoo kale xiiseyneysay ciyaaryahankan, hase ahaatee saxaafada Spain ayaa ogaaneysa in kooxda LIverpool ay ku horeyso soo xera gelintiisa
Warar kale ayaa sheegaya in kooxaha Inter Milan, AC Milan, Juventus iyo Roma ay sidoo kale ku dagaalamayaan saxiixa ciyaaryahankan.
Kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa ku dagaalamaya saxiixa Weeraryahanka Mauro Icardi.
Xidiga kooxda Inter Milan ayaa suuqa laga heli karaa xili ciyaareedka danbe hase ahaatee wargeyska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in qiimaha ciyaaryahanka uu yahay £31million.
Wakiilo ka socda Chelsea oo soo daawaday Pogba
Saxaafada Italy ayaa ogaanyesa in wakiilo ka socda Chelsea ay dawadeen qaab ciyaareedka kubad sameeyaha Juventus Paul Pogba Arbacadii lasoo dhaafay.
Kulankii Juventus ay guuldarada 3-0 ah kala kulantay Inter Milan ee Coppa Italia ayaa waxaa ku sugnaa wakiilo ka socda Chelsea inkastoo kulankaas ay rigoorooyin kusoo baxay Juve..
Wargeyska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in wakiilada Chelsea ay aad ula socdeen qaab ciyaareedka xidiga qaranka France.
Chelsea ayaa isku diyaarineysa iney 22-jirkaan kula soo saxiixato qiimaha ay dooneyso Juventus oo ah £70m.
Alexis Sanchez oo ka tagaya Arsenal
Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa bartilmaameed u ah kooxda Atletico Madrid, sidaas waxaa sheegtay saxaafada Spain.
Xidiga qaranka Chile ayaa ku dhibtoonaya kooxda Arsenal isagoo sheegay in kooxda Gunners aysan baahi uqabin hanashada horyaalka.
Inkastoo Arsenal ay ku adag tahay iney iibiso xidigan, hadana Wargeyska Don Balon ayaa qoraya in macalin Diego Simeone uu doonayo in Sanchez uu geeyo Vicente Calderon xili ciyaareedka danbe.
Heshiiska Sanchez uu kula joogo kooxda Arsenal ayaa dhamaan doona 2018.


