Ra’iisul wasaare ku xigeenka koowaad ahna wasiirka arimaha dibada ee Kuwait Sheikh Sabaax Khaalif Al-Xamad ayaa ku celiyay taageerada dowlada Kuwait ay siineyso dowlada Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibada ee Kuwait ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka taageeri doonaan arimaha amaanka si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Alshabaab, taasi oo horseedi doonto in guulo laga gaaro.
Balanqaadkaan ayuu wasiirka arimaha dibada Kuwait sameeyay kadib markii uu la kulmay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, kulankaasi oo ka dhacay xarunta wasaarada arimaha dibada ee Kuwait.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar ayaa mahadnaq u jeediyay dowlada Kuwait oo uu sheegay iney garab taagan shacabka iyo dowlada Soomaaliya, taasina ay tahay wax wanaagsan oo dowlada Kuwait ay sameysay.
Sidoo kale wasiirka ayaa mahad celin u jeediyay wadamada carabta oo uu kaga mahadnaqay qabashada shirkii lagu taageerayay waxbarashada dalka Soomaaliya.
Kulanka gaarka ah ee dhexmaray labada wasiir ayaa sidoo kale lagu sheegay iney isla garteen in dalalka Kuwait iyo Soomaaliya iska caawiyaan arimo badan oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal iyo wadashaqeyn dhexmarta labada dowladood.


