Kuuriyada Woqooyi oo gantaal tijaabisay

Kuuriyada Woqooyi ayaa riday madfac ka sameysan caag, sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed.

Waa tijaabadii ugu horeysay ee ay sameeyaan tan iyo markuu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Gantaalka oo la tijaabiyay Sabtidii wuxuu illaa 500km ku duulay badda dhanka Japan, sida madaxda dalka deriska la ah ee Kuuriyada Koonfureed ay ku warrameen.

Maamulka Pyongyang wuxuu sameeyay dhowr tijaabo nukliyer ah sanadkii la soo dhaafay.

Tijaabada joogtada ah ee dalkaas uu ku sameynaayo madaafiicda ridada dheer iyo nukliyerka iyo wararka carada leh waxay digniin u direysaa kana xanaajineysaa dalalka gobolka ku yaalla.

Tijaabada ugu dambeysay waxaa laga sameeyay saldhigga ciidamada ee gobolka Pyongan, ee dhanka gacanta Kuuriya.

Sarkaal ka mid ah militariga Mareykanka ayaa Wakaaladda Reuters ay ka soo xigatay in Washington “ay xaqiijin karto inay heleen gantaal laga soo riday dhanka Kuuriyada Waqooyi”.

Kullan dhanka amniga ah oo degdeg ah ayey Kuuriyada Koonfureed ka yeelaneysaa tijaabadaas ay sameysay Kuuriyada Woqooyi.