Kuuriyada Koonfureed oo yeelatay Madaxweyne Cusub

Hogaamiyaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa la dhaariyay, khudbaddiisii u horaysayna wuxuu wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha iyo calaaqaadka ay Waqooyiga la leeyihiin.

Wuxuu sheegay in uu xataa rajaynayo in uu booqdo caasimadda Kuuriya Waqooyi ee Pyongyang marka ay timaado marxalad arrintaas ku haboon.

Moon ayaa lagu dhaariyay dhismaha baarlamaanka qaranka ee magaalad Seoul maalin uun ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashada.

Qareenkan xuquuqda aadanaha u dooda oo ah wiil ay dhaleen qaxooti ka soo qaxay Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu yaqaanaa aragti baaxad wayn oo furfuran.

Dareenka ka taagan gacanka Kuuriya ayaa wali sareeya, todobaadyadii u dambeeyayna waxaa sii kordhacay carada u dhaxaysa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, iyadoo ay sare u kacday tuhunka sii koraya ee laga qabo tijaabo nukliyeer oo kale.

Moon ayaa sidoo kale wacad ku maray in ay midayn doono dalkaan kala qaybsan ee fadeexaddii ka dhacday ay horseeday in xilka lagaga xayuubiyo madaxweynihii ka horaysay ee Park Geun-hye.