Kursi aan ka mid aheyn 11 kii horay loo diiday oo doorashadiisa lagu laabanayo

Hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in dib loogu laabto kursiga Beesha Murusade ee laga soo doorto degaanada maamulka Galmudug.

Kuriga lagu laabanyo ayaa horay waxaa ugu guulaystay Cabdiqaadir Gaafow Maxamuud.

Xildhibaan Cabdulqaadir Gaafoow Maxamuud ayaa ku soo baxay Doorashada xubnaha baarlamaanka  Aqalka Hoose ee  ka dhacday magaalada Cadaado.

Mudanahaan ayaa waxaa la tartamay, Maxamed Maxamuud Guure, Sakariye Maxamed Cosoble iyo Cabduqaadir Nuur Caraale, inkastoo ay tanaasuleen xubnahaan markii danbe.

Hogaamiyeyaasha Madasha ma sheegin Sababta keentay in dib loogu laabto kursigaasi.