Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Talaado ah inay Xarunta Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ku qabtaan doorashada Saddex kamid ah Golaha Shacabka.
Guddiga ayaa horay u soo saaray Jadwalka doorashada Saddexda kursi oo qorshuhu ahaa in la qabto doorashadooda shalay oo Isniin aheyd balse dib loo dhigay, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay Ergada dooraneysa kuraastaas oo la tababaray, waxaana ay kala yihiin kuraasta Maanta doorashadooda la qabanayo.
1: HOP238 oo uu hadda ku fadhiyo Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir
2: Hop0244 oo uu ku fadhiyo Saciid Maxamed Maxamuud Xayd
3:Hop037 oo ay ku fadhiso Huddo Axmed Cali.
Kuraasta Saddexda ah ee Guddiga doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ay doorashadooda horay u shaaciyeen ayaa waxaa ay kamid yihiin kuraasta uu muranka ka taagan yahay gaar ahaan kursiga sida weyn ay uga qeylo dhaamiyeen Boqor Buurmadow iyo Cabdi Xaashi ee Hop238 oo uu ku fadhiyo Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Maanta xiray qaar kamid ah Isgoysyada Muqdisho, sida Jubba, Soobe iyo guud ahaan waddooyinka gala Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa horay Magaalada Muqdisho ugu qabtay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.



