Tababaraha Brazil Tite ayaa xaqiijiyay in kulanka 16ka xulkiisa kula ciyaarayaan Mexico Samara uu isbedel ku sameyn doono shaxdiisii ugu dambeysay ee wajahday Serbia.
kulankii ugu dambeeyey ee Group-yada, Filipe Luis ayaa bedelay daafaca bidix ee Marcelo kaasoo dhaawac jilibka ah qabay.
Thiago Silva oo ka hadlayay kulankaan waxa uu yiri “waa inaan Iska ilaalinaa wax kasta oo nagu qabsan kara garoonka dhexdiisa, si aan ugu dambeyn u helno natiijada aan u baahanahay.
Ka hor kulanka weyn ee labada xul, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Selecao Casemiro ayaa cabsi ka muujiyay kulanka caawa xulkiisa ay wajahayaan Mexico.
Daafaca Maxico Hector Herrera ayaa isna yiri: “Waan ognahay sida ay u xoogan yihiin Brazil, waa ay fiican yihiin dhan kasta, laakiin kalsooni badan ayaan ku qabnaa awoodeena, waana ku kalsoonahay inaan guuleysan karno wax badan.
Ciyaartaan ayaa la daawan doonaa saacadu marka ay tahay 5:00 Galabnimo ee maanta
Japan ayaa ah xulka kaliya ee kasoo haray xulalka ka socda xiriirka kubada cagta Asia, ka dib markii Australia, Iran, Korea Republic iyo Saudi Arabia dhamaantood ku fashilmeen wareega group-yada.
Japan ayaa noqday xulkii ugu horeeyay Koobka Aduunka ka faa’iideysta xukunka caddaaladda ah ee anshax wanaaga kulamadii wareega group-yada markaasoo Senegal meel kasta ay isaga mid noqdeen.
Dries Mertens, oo kmid ah magacyada ugu ssameyntaa badan qaranka Belgium ee lagu neynaaso Red Devils ayaa sheegay inay qadarin weyn u hayaan xulka Japan.
Weeraryahanka reer Belgium Michy Batshuayi iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Japan Shinji Kagawa oo ah saaxiibo kawada tirsan kooxda Borussia Dortmund ayaa kulanka caawa isaga hor imaanaya.
Ciyaartaan ayaa la daawan doonaa caawa 9:00 Fiidnimo



