DEG DEG: Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka oo furmay iyo buuq bilowday

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta taariikhduna ku beegan tahay 25/7/2020 , waxaa kulan aan caadi aheyn uga socda xaruntooda Muqdisho.

Agendaha kulanka ayaa ah,  Ka Doodista Doorashadda 2020/2021, waxaana tilaabadaan wararka qaar ay sheegayaan in ay si weyn uga horjeedo kulankii Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyadda ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

178 Xildhibaan ayuu kooramka maanta ku furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka markii uu furmay ayaa waxaa xiga buuq ay sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka amniga Isloow Ducaale, Wasiiru dowlaha gaadiid Cusmaan Daallo, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Aadan Isaaq, Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow iyo Xildhibaan Xuseen Iidoow ay kulanka buuq ka bilaabeen.