Kulankii baarlamaanka maanta oo buuq kusoo dhamaaday

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo kala tagay shirkii maanta ay lahaayeen iyadoo aan wax natiijo ah la gaarin, kadib markii ay hor imaan waayeen wasiirka amniga xukuumada iyo taliyaha hayada nabad Sugidda Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay ineysan yeelan doonin kulamadooda caadiga ahaa ilaa ay ka hor imaanayaan wasiirka amniga iyo taliyaha nabad sugidda Soomaaliya.

Xubnaha baarlamaanka ayaa waxay doonayaan iney labada masuul wax ka weydiiyaan xasaanada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay leeyihiin, kadib markii ay cabasho ka muujiyaan baaritaanada lagu sameeyo marka ay ku sugan yihiin garoonka Aadan Cadde.

Maanta ayaa qorshaha uu ahaa in xildhibaanada ay hortagaan wasiirka amniga iyo taliyaha nabad sugida Soomaaliya.

Dhawaan ayaa xildhibaanada waxay u yeereen wasiir C.risaaq Cumar Maxamed iyaga oo su’aalo ka weydiiyay cidda amartay in baaritaan lagu sameeyo xildhibaanada marka ay ka duulayaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.