Waxaa Goor dhow xarunta Golaha Shacabka ka furmay Kulanka golaha Shacabka oo maanta looga hadlaayo arinta xasaasiga ah ee dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
Xildhibaanada ayaa maanta Guddigii loo xilsaaray kiiska Qalbi dhagax ka dhageysan doona warbixin ku saabsan sidii loo dhiibay Qalbi dhagax iyo sababaha keenay in la dhiibo.
C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlaayay kulankii ugu dambeeyay ee golaha Shacabka ayaa sheegay in kiiskan uu yahay mid culus isla markaana ay keentay in waqtiyo badan ay dalbadaan.
Guddigaan oo la Magacaabay 18 bishii hore ee September ayaa ka kooban 15 Xildhibaan oo ka tirsan golaha Shacabka.
Guddoonka Golaha shacabka ayaa guddigaan u magacaabay in ay ka soo shaqeeyaan baarista kiiska Sarkaalka Qalbi Dhagax iyo go’aanka ay ka qaadatay Xukuumada Soomaaliya.
10 bishii oo hore ee Octoober ayay ahayd waqtigii ugu horeeyay ee guddigaan loogaa baahnaa iney golaha shacabka horkeenaan balse dib ayay u dhacday waqti dheeraad ayaana loogu daray hadana bishaan 10-keeda November ayay balantu ahayd in golaha shacabka horkeenaa balse waxa ay dalbadeen in waqti loogu daro Maanta ayaa lagu balamay in warbixin dhameystiran golaha shacabka ay horkeenaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ku wareejisay Dowladda Itoobiya 27-kii Bishii August ee sanadkan, waxaana taasi ka dhashay muran fara badan iyo in madaxda sare ay ku kala qeybsameen.



