Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Nagaalada Kismaayo waxaa uu ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweyne ku xigeennada, Xubnaha golaha Wasiirada, xubnaha golaha Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa Ka qeybgalay soo dhawaynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.
Kulan gaar ah ayaa waxaa uu Madaxtooyada Kismaayo uga socdaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, iyada oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku tegay Jubaland isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliyiinta iyo bulshada Jubaland.



